Laacibka kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaya inuu si rasmi ah u noqdo laacib PSG ah kadib wada hadalo kama danbays ah oo la filayo in galabta ay dhex maraan wakiilka laacib ka, wafdi ka socda PSG iyo madaxwaynaha Real Madrid.
Warar laga helayo France ayaa sheegaya in laacib kaan uu qaab amaah hal xili ciyaareed ah uu ugu biiri doono kooxda PSG isagoo kadib si toos ah ugu wada wareegi doona xili ciyaareed ka xiga.
PSG ayaa doonaysa inay ilaaliso sharciga dhaqaale wanaaga ee kooxaha yurub kaas oo aan u ogolaanayn in 80 milyan oo euro ay kula wareegto Di Maria kadib markii ay 50 milyan ku soo iibsatay David Luiz.
PSG ayaa ku bixin doonta amaahda halka xili ciyaareed ah 10 milyan oo euro iyagoo 70 milyan oo euro kula wareegi doono laacib kaan xaggaaga soo socda, Di Maria ayaana sidaas ku noqonaya laacibkii ugu qaalisanaa ee ay soo iibsato kooxda PSG ee dalka France.
No comments:
Post a Comment