Saturday, 2 August 2014

Filippo Inzaghi: AC Milan Dhakhso Ayay Diyaar Unoqon Doontaa

Tababaraha cusub ee kooxda AC Milan Filippo Inzaghi ayaa ku adkaystay inkooxdiisu si dhakhso ah diyaar ugu noqon doonto xili ciyaareedka cusub.AC Milan oo ka mid ah kooxaha ku jira tartanka Internation Champions Cup, ayaa guul darooyin is huwan kala kulantay kooxaha Man city iyo Olympiacos. Milan ayaa iska daalaa dhacaysay sanadihii udanbeeyay iyadoo xili ciyaareedkii dhamaadayna ka hadhay tartamada yurub oo dhan.
Inzaghi ayaa yidhi: “Waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu wax fiican uga keeni lahayn ciyaaraha saaxiibtinimo ee xagaaga, laakiin diyaar ayaanu noqonaynaa dhamaadka Augst. Waan hubaa inaanu guulaysanayno.
Milan ayay iska hor iman doonaan kooxda liverpool kulanka ugu danbeeya heerka groupka ee ICC ga. Kulankan ayaa xasuus gaar ah leh wuxuuna dad badan xasuusinayaa finaladii koobka kooxaha qaarada yurub ee Champions leaque ee  dhex maray AC Milan iyo Liverpool sanadihii 2005 iyo 2007. Inzaghi oo kulankii finalka ee 2007 laba gool ka dhaliyay ayay xasuus gaar ah u leeyahay kulanka dhex naridoona liverpool iyo Milan
Inzaghi oo ka hadlaya kulanka liverpool ayaa yidhi: “Marksata oo aan dib uga fikiro kulankii liverpool farxad ayaan dareemaa. Markastana waxay ku jiraysaa xasuustayda fiican. Waxaan doonayaa inaan dib Ac Milan ugu soo celiyo dareenkaas guusha lahaa. Goolkii ay guushu nagu raacday wuxuu ahaa mid layaableh”. Ac milan ayaa liverpool ka qaaday horyaalka yurub sanadkii 2007 balse waxaan marnaba la ilaawi karin kulankii aan caadiga ahayn ee dhex maray labadan kooxood kaas oo ay liverpool 2005 AC Milan kaga qaaday isla Champions leaquega.

No comments:

Post a Comment